Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Wesley Sneijder oo Shil Halis ah ku galay Dhul lama Degaan ah

$
0
0

(Qatar) 21 Sab 2018. Laacibkii hore ee Real Madrid iyo Inter Milan Wesley Sneijder ayaa ka bad baaday shil aad u khatar ah oo uu ku galay dhul lama degaan ah (Saxaro).

Xiddiga reer Holland ayaa iminka u ciyaara naadiga Al-Gharafa ee ka dhisan dalka Qatar.

Sneijder ayaa 31-gool u dhaliyay Holland 134 kulan uu u saftay ka hor inta uusan ka fariisan ciyaaraha caalamiga ah bishii Maarso.

34-jirka ayaa naadiga Al-Gharafa uga soo biiray kooxda Nice ee ka dhisan Faransiiska intii lagu guda jiray suuqii xagaaga.

Gool ayuu dhaliyay kulankii ay guul darada 3-2 kula kulmmeen Umm Salal sabtidii, laakiin Isbitaal ayaa loola cararay Sneijder usbuucan kaddib markii uu shil halis ah galay.

Sawirro la helay ayaa ka soo muuqanaya laacibka oo qorta ka duuban mar uu keydka la fadhiyay saraakiisha kooxdiisa taa oo muujineysa inuu aad u soo kabtay..

SAWIRRO:

 

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles