(Italy) 22 Sab 2018. Juventus ayaa berito kulan ka tirsan horyaalka Serie A la yeelan doonta kooxda Frosinone waxaase yaab ah in kooxdaas oo dhan uu ku saddex jibaarmayo Cristiano Ronaldo kaligii.
Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa Juve ka qaatay halkii xilli ciyaareed adduun dhan 28-milyan oo bound halka dhammaan xiddigaha safka hore ee naadiga Frosinone ay sanadkiiba qaataan mushaar dhan 9.9 milyan oo bound.
Kooxda yar ayaa waxaa ugu mushaar badan laacibkii hore ee Arsenal Joel Campbell oo ku soo biiray xagaagan oo wuxuu usbuuciiba qaataa 765,000.
Haka Ronaldo oo ah laacibka labaad ee ugu mushaarka badan kubbada cagta adduunka kaddib Neymar uu usbuuciiba qaato 538,000 oo bound.
Ma ahan oo kaliya in Ronaldo uu ku saddex Jibaarmayo mushaarka shaxda kooxda Frosinone oo idil ee sidoo kale wuxuu ku saddex jibbaarmayaa laacibka ugu soo dhow dhanka Mushaarka horyaalka Serie A guud ahaan.
Laacibka Ronaldo ugu soo dhow dhanka mushaarka horyaalka Talyaaniga waa dhaliyaha AC Milan Gonzalo Higuain wuxuuna sanadkii qaataa 8.5 milyan halka uu Ronaldo qaato 28 milyan.
EEG xiddigaha ugu mushaarka badan Serie A:
Gool FM.