Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ronaldo oo Caawa ka maqnaan doona Xaflada FIFA…(SABABTA oo la shaaciyay)

$
0
0

(Europe) 24 Sab 2018. Cristiano Ronaldo oo horey ugu gooyay xafladii lagu bixinayay abaal marinta laacibka Sanadka ee Yurub oo lagu caleemo saaray Luka Modric ayaa misane caawa ka maqnaan doona xaflada FIFA.

London ayaa caawa marti galin doonto xaflada FIFA ee lagu bixinayo abaal marino kala duwan sida laacibka sanadka ee FIFA the best, Laacibada sanadka, Tababarha sanadka, Goolhayaha, Goolka sanadka, Kooxda sanadka  iyo waliba taageerayaasha sanadka.

Sababta uu ku maqnaan doono ayaa ah in xalay Ay Juventus ciyaartay kulan Serie A ah isla markaana ay Arbacada ciyaari doonto kulan kale oo tiran horyaalka Talyaaniga.

Xiddiga reer Portugal oo kaliya ma ahan oo ma jiro laacib ka tirsan Juventus oo xaflada soo xaadiri doono.

Abaal marinta laacibka Sanadka ee FIFA the Best ayaa la filayaa in loo caleemo saari doono Luka Modric oo horey ugu soo guuleystay laacibka Sanadka ee Yurub.

Related image

Maxamed Saalax oo ka mid ah Musharxiinta iyo Lionel Messi oo Liiska dhan lagu soo darin ayaa lagu wadaa inay xaflada ka soo qeyb galaan.

Gool FM.  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles