Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Tababraheena wuxuu noo sheegay in Messi aan marna la celin karin sidaa darteed….!!.”.

$
0
0

(London) 01 Okt 2018. Tottenham ayaa Arbcada Wembley kula balansan Barcelona kulankii labaad ee Champions League xilli ciyaareedka cusub iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankii furitaanka ay guul darro ka soo gaartay Inter Milan.

Daafaca reer England ee Danny Rose ayaa sheegay in tababarihiisa uu u sheegay in Lionel Messi aan marna la joojin karin sidaa darteed ay tahay inay kubbada ku raaxeystaan isla markaana aysan ka cabsan laacibka reer Argentina.

Rose ayaa aad ugu hamuun qaba inuu ka hor taga Messi wuxuuna sheegay inuusan kulanka sugi karin.

Related image

“Qofkasta wuxuu doonayaa inuu kulankan ku lug lahaado. Messi waxaa laacibka aan ka helo xitaa haddii aan ciyaareyn kulanka waan ku farxi doonaa inaan daawado isaga ” Rose ayaa sidaa yiri.

“Dhammaanteen si xiiso leh ayaan ku sugeynaa kulanka, Munaasabad wayn ayayna kooxda u tahay.

“Tababaraha wuxuu sheegay inaysan jirin wax aad sameyn karto si aad u joojiso Messi. Waa inaad halkaa tagtaa uun aadna ku raaxeystaa kubbadaada.

“Tababaraha nagama doonayo innaga inaan halkaa aadno innagoo ka cabsaneyna Messi. Waa khibrad aan dooneyno inaan dhammaanteen ku raaxeysano. Waana kulan aan dhammaanteen dareemeyno inaan halkaa tagi karo aana guuleysan karno.

Rose ayaana ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in Barcelona aysan ahayn Messi oo qura isla markaana ay heysato weerar heer caalami ah, wuxuuna ugu baaqay kooxdiisa inay tahay inay ka cabsadaan weerarkaas haddii kulanka arbcada uu noqon waayo dhankooda.

Gool FM.  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles