(Muqdisho) 01 Okt 2018. Waxaa shalay garoonka Minishiibiyo ee degmada Warta nabadda ka dhacay xaflad uu maamulka Gobolka kula wareegay garoonkaas, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho, Xildhibaanda labada aqal, maamulka Isboortiga gobolka, Madaxda degmada Warta Nabadda, Madaxda xiriirka kubadda cagta, masuuliyiinta naadiyada kubadda cagta iyo maamulka kooxda Banaadir SC.
Guddoomiyaha Naadiga Banaadir SC Abuukar Maxamed Shiikh oo ugu horayn ka hadlay ayaa sheegay in garoonkan ay mauulkiisa hayeen 28 sano ee lasoo dhaafay milkiyadiisana ay leedahay dowlada Hoose ayna ku faraxsanyihiin in ay maamulka Gobolka Banaadir ku wareejiyaan.
Cali Shiine oo ah guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa tibaaxay in xiriirku uu ku faraxsan qorshooyinka lagu sii hor marinayo kubadda cagta, isagoo dhanka kale u mahad celiyay duqa Muqdisho oo kaallin muuqda ka qaatay taageerida kubadda cagta.
Dhamaan masuuliyiinta goobta ku sugnaa oo si wayn uga sheekeeyay heerarki kala duwanaa uu garoonka soo maray ayaa tilmaamay muhiimada uu garoonka u leeyahay tartanka Isboorti ee gobolka, waxayna Guddoomiye Gobolka Ahna Duqa Magaalada Muqdisho uga mahad celiyeen doorkii wacnaa ee uu kulahaa dib usoo celinta garoonkii Jeenyo iyo soo noolayntii kooxda Madbacadda qaranka waxayna ka codsadeen in garoomada kale ee ka maqan bahdaa Isboortiga dib ugu soo celiyo.
Guddoomiye Gobolka oo xaflada ka hadlay ayaa u mahad celiyay dadkii ku dadaalay in garoonkan uu ka badbaado inuu u gacan galo dad aan bahda Isboortiga ka tirsanayn waxuuna maamulka degmada iyo kan Naadiga Banaadir SC uga mahad celiyay juhdii ay ku bixiyeen.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa dhanka kale tilmaamay in garoonka Minishiibiyo iyo kuwa kale ee si sharci darro ah loo isticmaalayo dhammaan ay yihiin Hanti Guud, isla markaana maamulka Gobolka uu ku dadaali doono sidii ay garoomada oo dhan dib loogu soo celiyo gacanta Kooxihii xaqa u lahaa.
Garoonka Minishiibiyo oo kamid ah garoomada ugu faca wayn ee kubada cagta lagu ciyaaro ayaa xarun tababar u ahaan jiray Naadigii Dowlada Hoose , basle kadib burburkii xukumadii dhexe ee dalka waxaa xarun uu u ahaa naadiga Banaadir Sports Club.
Xog hoose oo ay heshay Gool FM ayaa sheegeesa in wareejinta garoonka uu hor dhac u yahay qorsho lagu soo nooleenayo kooxdii Dowlada Hoose ee Muqdisho, waxaana lagu wadaa in magac Banaadir Sports Club lagu badelo kooxda Muqdisho.
Gool FM