( Europe ) 02 Okt 2018. Ku guuleystaha koobka adduunka ee Kylian Mbappe ayaa kula biiray afar cayaariyahan oo ka cayaarta horyaalka Premier League xiddigaha da’yarta ee 40-ka musharax ee u tartamaya Abaalmarinta Golden Boy 2018.
Jaa’izadaan ayaa la gudoonsiyaa da’yarka ugu wanaagsan ee laacibiinta da’dooda ay ka yarta 21-ka sano, waxaana Abaalmarintaan bixineysay majalada reer talyaani ee Tuttosport tan iyo sanadkii 2003.
Weeraryahanka Paris Saint-Germain Mbappe ayaa u diyaara inuu noqdo markii ugu horreysay mid laba mar oo xariira qaada kaddib markii uu ku guuleystay xagaagii tagay.
19-jirkaan ayaa u dhaliyay 21-gool kooxda PSG kal cayaareedkii hore isagoo qeyb weyn ka qaatay guushii xulkiisa France ee hantay koobka adduunka – waxaana dhawaan loo magacaabay FIFA’s Best Young Player oo ah “ Da’yarka ugu wanaagsan FIFA”.
Wuxuu wajahayaan tartan kaga imaanaya daafaca Liverpool Trent Alexander-Arnold, laacibka qadka dhexe Everton Tom Davies, Manchester City wiilka dhexda uga dheela ee Phil Foden iyo Manchester United laacibka ay £19 milyan oo gini kula soo saxiixatay xagaagan ee Diogo Dalot.
Magacyada kale ee ku jira liiskan waxaa kamida da’yarka Borussia Dortmund Christian Pulisic, wiilka kooxda Celtic Odsonne Edouard, daafaca Ajax Matthijs de Ligt iyo laacibka Roma Justin Kluivert.
Abaalmarintaan waxaa hore u qaaday cayaariyahano ay kamid yihiin Wayne Rooney, Lionel Messi, Paul Pogba iyo Raheem Sterling.
Waa Kuwaan 40-ka Mushar ee Sanadkaan u Tartamaya Abaarmarinta Wiilka Dahabiga
Gool FM.