(Manchester) 03 Okt 2018. Manchester United ayaa xalay bar baro goolal la’aan mininkeeda kula gashay Valencia kulankoodii labaad ee wareega groupyada Champions League.
Bar-baraha kooxda Jose Mourinho ayaa ka dhigan inay wax guul ah gaari la’dahay 4-kulan oo xiriir ah.
Paul Pogba ayaa boggiisa Twitter-ka ciyaarta kaddib fariin u soo dhigay saaxiibadiisa kooxda isagoona ugu baaqaya in dagaalka ay sii wadaan si ay guulo u helaan.
Inkastoo xiddiga reer France la sheegayo inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford xitaa haddii kooxda laga ceyriyo macalinka ay dagaashan yihiin ee Jose Mourinho ayuu misane ugu baaqay saaxiibadiisa inay dhexda xirtaan oo dagaalka sii wadaan.
‘Aan dagaalka sii wadno United,’ Pogba ayaa sidaa ku soo yiri Twitter kiisa kaddib ciyaartii xalay ee Valencia.
Let’s keep fighting United #mufc pic.twitter.com/b2Cu682OAc
— Paul Pogba (@paulpogba) October 2, 2018
Gool FM.