(Manchester) 07 Okt 2018. Manchester United ayaa xalay guul soo laabasho leh ka gaartay Newcastle United oo ay kaga adkaatay 3-2 xilli qeybtii hore lagu hogaaminayay 2-0.
Kulanka waxaa lagu sheegay kulankii bad-baadada Mourinho, balse weli ma bad baadin macalinka reer Portugal oo halis wayn ayay ku jirtaa shaqadiisa.
Manchester United ayaa la warinayaa inay la xiriirtay tababarihii hore ee Real Madrid Zidane iyadoona u sheegtay inuu iska diido dalab kasta oo soo gaara maadaama ay dooneyso inay ku badesho Mourinho.
Red Devils kuma qanacsana in Jose uu xalin doono xaalada kooxda taa oo keentay inay la xiriiraan macalinka reer France oo ay ku wargaliyeen inuu iyaga sugo.
Madaxa fulinta Man United Ed Woodward iyo waliba maamulka sare ayaa qorshe midkan la mid ah horey ugu isticmaalay Louis van Gaal.
Jose Mourinho ayay yiraahdeen na sug xilli uu xilkiisa tababare ku dagaalamayay macalinka reer Holland, ugu dambeyna way ka ceyriyeen kooxda kaddib markii uu qaaday FA Cup iyagoona magacaabay Mourinho oo ay horey u sii diyaarsadeen.
Iminkana Jose Mourinho ayay heystaa isla sheekadaas oo wuxuu ku dagaalamayaa xilkiisa, Man Unitedna waxay hoos kala xiriirtay Zidane oo ay ku wargaliyeen inuu diido dalabyada soo gaaraya maadaama ay u doonayaan xilka Old Trafford.
Zidane ayaa durba bilaabay inuu barto luqada Ingiriiska, Maamulka Man United na waxaa ka dhaa dhacsan inuu sare u qaadi karo jawiga kooxda.
Gool FM.