Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Dhibaato horleh oo soo wajhaday Real Madrid…..(Maxaa soo kordhay?)

$
0
0

(Madrid) 30 Okt 2018. Real Madrid oo awalba la ciir ciireysay dhibaato dhanka dhaawaca ayaa waxaa iminka soo wajahday mid horleh kaddib markii la xaqiijiyay in  Raphael Varane uu garoomada ka maqnaan doono muddo saddex usbuuc ah.

Los Blancos ayaa dhawaan ceyrisay macallinkeeda  Julen Lopetegui iyadoona xilka si ku meel gaar ah ugu sii dhiibatay Solari oo macalin u ahaa Real Madrid Castilla.

Solari ayaa durba culeys badan dareemi doona maadaama ay kooxda horey dhaawacyo uga maqnaayeen Dani Carvajal, Jesus Vallejo iyo Marcelo, iminkana uu soo dhul dhacay daafaca reer France.

Varane, at the Camp Nou.

Varane ayaa waxaa gaaray dhaawac muruqa lugta midig ah waxaana la badelay qeybta labaad ee kulankii El Calsico ee sida wayn loogu bahdilay Real Madrid.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025