(England) 30 Okt 2018. Tababare ku xigeenka labaad ee Sarri ninka lagu Magacaabo Marco Ianni ayaa Ganaax lacageed kala kulmay xiriirka kubbada Cagta Ingiriiska ee FA sababo la xiriira falkii uu ku sameeyay Jose Mourinho.
Ianni ayaa ku hor dabaal degay macallinka reer Portugal ciyaartii ay Manchester United bar baraha 2-2 Chelsea kula gashay Old Trafford.
Daqiiqadii ugu dambeysay 6-daqiiqo ee kulanka lagu daray ayay Blues heshay goolka bar-baraha taa oo dhalisay inuu si waali ah Marco Ianni ugu hor dabaal dego Mourinho.
Macalinkii hore ee Chelsea ayaa ka carooday falka caawiyaha Sarri isagoona la dagaalay inkastoo la soo kala dhex galay.
Inkastuu lanni raali galiyay Jose Mourinho kaddib falkii uu ku kacay misane FA ayaa iminka ku ganaaxay lacago gaaraya 6,000 oo bound.
Gool FM.