Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Pogba oo SHAKI Wayn laga muujinayo kulanka berito ee Manchester Derby…(Maxaa helay??)

$
0
0

(Manchester) 10 Nof 2018. Waxaa shaki wayn laga muujinayaa taam ahaanshaha Paul Pogba kulanka berito ee Manchester Derby kaddib markii uu dhaawac ku seegay tababarka kooxda.

Laacibka reer France ayaa tababarka ku sameynayay gudaha xerada Carrington, Jose Mourinho ayaana wajahaya madax xanuun dhanka taam ahaanshaha ciyaartoydiisa ka hor kulanka uu ku wajahayo Manchester City.

Xiddiga kale ee Manchester United ayaa tababarka ku qaatay bannaanka Carrington.

Sida uu sheegayo warsidaha The Times, Pogba ayaa la dhibtoonaya dhaawac yar oo ka soo gaaray kulankii ay Manchester United sida lama filaanka ah 2-1 uga adkaatay Juventus tartanka Champions League.

Pogba ayaa labo gool ku lug lahaa ciyaartii soo laabashada lahayd ay Man United 3-2 uga adkaatay City bishii April ee la soo dhaafay, laakiin far ayaa ku duugan bandhiga laacibka ee kal ciyaareedkan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles