(Europe) 11 Nof 2018. Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa xoog ku heystay abaal marinta Ballon d’Or Tobankii sano ee ugu dambeysay, balse war qarsoodi ah oo la helay ayaa iminka daaha ka rogaya in sandkan xitaa aysan ku jirin safka saddexda ugu horreysa xiddigaha ku tartamaya Kubbada Dahabka.
Kaka ayaa ahaa Laacibkii ugu dambeeyay oo ku guuleystay Ballon d’Or 2007-dii ka hor inta aysan saaxada qabsan labada Mucjiso.
Balse, sida ay sheegayaan warar xatooyo ah in Toban sano kaddib markii ugu horreysay sanadkan la heli doono xiddig Kubbada Dahabka ka dhigta Messi iyo Ronaldo.
Wariyaha reer France ee Eric Mamruth ayaa sheegay in abaal marinta Ballon d’Or oo ay bixiso France Football ay iminka hogaanka u hayaan saddexdan xiddig Luka Modric, Raphael Varane iyo Kylian Mbappe.
Modric oo ku soo guuleystay FIFA the Best iyo waliba laacibka sanadka ee Yurub ayaa iminkana ugu cad cad abaal marinta Ballon d’Or kaddib markii uu Champions League la qaaday Real Madrid isla markaana uu Finalka koobka adduunka gaarsiiyay xulkiisa Croatia.
Raphael Varane iyo Kylian Mbappe ayaa iyana Koobka Adduunka la qaaday xulkooda Faransiiska, inkastoo Daafaca Real Madrid uu yahay xiddiga kaliya ee Sanadkan ku wada guuleystay World Cup iyo Champions League.
Gool FM.