(Torino) 12 Maarso 2016. Naadiga lagu naaneyso Marwada Duqda ah ee Juventus ayaa la joojin la’yahay kaddib guushii xalay iyadoo 6-dhibcood ku heysa iminka horyaalka Serie A isla markaana rikoodh cusub sameysay, goolhaye Gianluigi Buffon ayaa isna qarka u saaran inuu jabiyo rikoodh horey u yiilay.
Goolhayaha rugcadaaga ah ayaa u baahan saddex daqiiqo uun inuu shabaqiisa ilaashado kulanka usbuuca soo socda si uu u jabiyo rikoodhkii Sebastiano Rossi ee shabaqiisa ilaashada waqtigii ugu dheeraa horyaalka Talyaaniga wuxuuna rikoodhkaas yaalaa tan iyo 1994-tii.
Haddaba halkan ka aqirso qaar ka mid ah rikoodhadii ay xalay dhigtay Juve:
Gianluigi Buffon wax gool ah lagama dhalin 926 daqiiqo waana goolhayaha labaad ee daqiiqadihii ugu badnaa aan wax gool ah laga dhalin taariikhda Seria A.
Juventus wax gool ah lagama dhalin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waana rikoodh ku cusub horyaalka Serie A.
Juventus lama ay kulmin bartilmaameed rasmi ah oo goosheeda markii 12-aad Serie A xilli ciyaareedkan.
Gool FM.