Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Cristiano Ronaldo oo filanaya MATAANO

$
0
0

crr

(Madrid) 31 Maajo 2017. Akhbaarta ku aadan inay uur leedahay Cristiano Ronaldo saaxiibtiisa ee Georgina Rodriguez ayaa iminka lagu kalsoonaan karayaa iyadoo ay soo baxeen warar hor leh oo tibaaxaya in lamaanuhu ay filanayaan Mataano.

Kabtanka xulka Portugal ayaa maalmo yar ka hor soo dhigay baraha bulshada sawir ay ku wada jiraan isaga iyo saaxiibtiisa.

Sawirka ayaa si cad loo arki karay iyadoo ay gacanta Ronaldo saaran tahay caloosha Georgina Rodriguez.

Inkastoo ay Ronaldo hooyadii si cad u beenisay in wiilkeeda uur loo leeyaay misane sawir hor leh oo la arkay ayaa muujinaya inay uur leedahay Georgina.

Sawirka ayaa laga soo helay mar ay lamaanuhu waqti ku qaadaneyeen Corsica maadaama fasax la siiyay Ronaldo.

Jariiradda Chi ee dalka Talyaaniga ayaa boggeeda hore ku daabacday in Ronaldo iyo gacalisadiisa ay dhab ahaan filanayaan Mataano.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles