(Spain) 12 Nof 2018. MARCA ayaa bixisay abaal marinada La Liga ee kal ciyaareedka 2017/18.
Lionel Messi ayaa wada qaaday abaal marinada Pichichi prize iyo Di Stefano trophy.
Messi ayaa ku guuleystay gool dhalinta horyaalka La Liga ee kal ciyaareedkii tagay kaddib markii uu dhaliyay 34-gool iyadoona la guddoonsiiyay abaal marinta Pichichi.
Waxaa sidoo kale loo gacan galiyay Di Stefano trophy oo la guddoonsiiyo xiddiga ugu fiican horyaalka La Liga.
Goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak ayaa sanadkii saddexaad oo xiriir ah ku guuleystay abaal marinta Zamora trophy ee Goolhayaha ugu fiican.
22-gool ayaa laga dhaliyay 37-kulan uu ciyaaray kal ciyaareedkii tagay.
Xiddiga Celta Vigo Iago Aspas, ayaa isna ku guuleystay abaal marinta Zarra award ee aalaaba la guddoonsiiyo laacibka ugu goolasha badan La Liga ee ka soo jeeda dalka Spain kaddib markii uu dhaliyay 22-gool.
Macalinka Valencia Marcelino ayaa isna ku guuleystay abaal marinta Miguel Munoz trophy ee Tababaraha ugu fiican horyaalka La Liga kaddib markii uu kooxdiisa u soo saaray Champions League.
Carlos Del Cerro Grande ayaa isna loo caleemo saaray abaal marinta Guruceta trophy, ee Garsooraha ugu fiican horyaalka Spain.
SAWIRRO:
Gool FM.