Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Alexandre Lacazette oo diiday Xulkiisa labo Saacadood kaddib markii loo yeeray iyo Taageerayaasha oo aad ugu Farxay

$
0
0

(Europe) 13 Nof 2018. Taageerayaasha Arsenal ayaa aad u farxay kaddib markii uu Alexandre Lacazette diiday xulkiisa Faransiiska labo saacadood kaddib markii loo yeeray.

Dhaliyaha Arsenal ayaa markii hore laga saaray liiska xiddigaha Faransiiska ee loo yeeray iyadoona booskiisa la wacay Anthony Martial.

Didier Deschamps ayaa dib ugu yeeray weeraryahankii hore ee Lyon kaddib markii uu dhaawacyo liiska uga saaray wiilasha Manchester United ee Martial iyo Pogba.

Related image

Yeelkeede, Alexandre Lacazette ayaa iska diiday dalab kaga yimid xulkiisa isagoona sheegay inuusan ciyaari karin kaddib la tashiyo uu la sameeyay dhakhaatiirta kooxdiisa.

Arrinkan ayaa waxaa aad ugu farxay taageerayaasha Gunners, maadaama ciyaartoyda ay inta badan dhaawacyo soo gaaraan inta ay gudanayaan waajibaadka xulkooda.

Gool FM.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles