Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Joe Cole oo gabi ahaan ka fariistay ciyaaraha

$
0
0

(England) 13 Nof 2018. Laaciibkii hore ee Chelsea, Liverpool iyo West Ham Joe Cole ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaan ka fariistay ciyaaraha.

37-jirka ku soo dhex jiray kubbada cagta muddo 20 sano ayaa ugu dambeyn firaaqeeyay Garoomada isagoo markii ugu dambeysay caawiye tababare u ahaa naadiga Tamba Bay Rowdies ee ka dhisan Mareykanka.

Cole ayaa waqtigiisii ugu guulaha badnaa waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay gegada  Stamford Bridge, halkaa uu Todobo sano kula soo qaatay kooxda Chelsea.

Image result for Joe Cole Chelsea

Wuxuu kula soo guuleystay Todobo Koob oo uu ka mid yahay Premier League saddex jeer, labo jeer oo FA Cup ah, sidoo kale waxuu ka mid ahaa xiddigihii Blues ee ku guul darreystay koobkii Champions League ee 2008 kolkaa ay ka qaaday Manchester United.

Wuxuu ka soo baxay Akaadamiyada naadiga West Ham isagoona safka hore ee kooxda kula biiray halyeeyada Rio Ferdinand iyo Frank Lampard.

Nasiib darro waayihiisa waxaa markii dambe dilooday dhaawacyo isdaba joog ah, ciyaartii ay Saddexda Libaax guul darada 4-1 ay kala kulmeen xulka Germany koobkii adduunka ee 2010.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles