Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Xulkeena oo Maanta ciyaaraya kulankooda Furitaanka ee isreeb-reebka Oleymbikada Adduunka….(Saacada, Goobta lagu ciyaarayo iyo wax kasta oo aad uga baahan tahay kulanka)

$
0
0

(Addis Ababa) 14 Nof 2018. Xulkeena Qaranka Soomaaliya ayaa galabta kulankoodii ugu horreeyay ee Isreeb-reebka Oleymbikada Adduunka la ciyaari doona dalka aan Jaarka nahay ee Itoobiya.

Xidigaha 23-sano jirada Xulkeena ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeyay tababar adag ku sameynayay Dalka Ethiopia, iyagoo si adag isugu diyaarinayay kulankooda Furintaanka,

Xulka lagu naaneyso Ocean Stars ayaa kulamadii saaxiibtinimo ee ku sameeyeen dalka gudihiisa ka hor inta aysan ka duulin ku soo bandhiga ciyaar aad loo jecleystay oo ku dhisan kubbad isku dhii dhiibasho taa oo dad badan rajo fiican ku abuurtay.

Sanadkan Xulka waxaa ka soo muuqanaya wajiyo cusub oo ay kamid yihiin Cumar Gaxtaani, Shiiqey, Anwar Shakunda, Nuune Haashimi ,Abuukar iyo kuwa kale.

kulankan ayaa la daawan doona saacada marka ay tahay 3:30 galabnimo, waxaana si toos ah loogu daawan doona Tv-ga Azam oo tanzania ah. Ciyaartuna waxey ka dhici doonta garoonka caanka ah ee Addis International Stadium.

Faah-faahin dheeri ah, Natiijada kulanka iyo waliba Sawirro xul ah kala soco Goolfm.net.

W/D: Cabdifitaax Nani.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles