(London) 25 Nof 2018. Chelsea ayaa xalay guul daradii ugu horreysay xilli ciyaareedkan kula kulantay dariskeeda oo 3-1 uga adkaatay.
Saxiixa Cusub ee Blues ee Jorginho kaa oo wacdaro dhigayay tan iyo sidii uu u yimid Premier League ayaa xalay soo bandhigay ciyaar aad u liidata kaddib cadaadis xoogan ay saareen xiddigah Spurs.
Khabiirka ciyaaraha falanqeeya ee Stewart Robson kaa oo ka howl gala hilinka ESPN ayaa ka jeex jeexay xiddiga qadka dhexe, isagoona sheegay inuu fahmi la’yahay sababta uu tababare Sarri sidaa oo dhan ugu jecel yahay xiddigan qadka dhexe.
Tababarihii hore ee Napoli ayaa Jorginho ka ciyaarsiya qadka dhexe ee Daafaca halka ninka howshaas ku caanka ah ee Kante uu qadka dhexe weerarka u badelay, waxaana arinkaas ka soo horjeestay khubaro badan oo ciyaaraha faaqiada.
“Markaad si u fiiriso waxay but-burineysaa qorshaha Chelsea marka Jorginho cadaadis la saaro,” Robson ayaa sidaa yiri.
“Ma fahmin sababta uu Sarri sidaa oo dhan uga helo Jorinho.
“Waxaad heysataa xiddiga qadka dhexe ee daafaca ee ugu fiican adduunka Kante kaa oo laga ciyaarsiin karay booskaas aragti ahaanteyda.
“Kulankii Tottenham waan aragnay dhammaaan fashilka Jorginho.
“Waa sax inuu yahay xiddiga ugu kubbad taabashada badan Premier League laakiin taasi waa kooxaha dib uga dega isaga.
“Tani waa markii ugu horreysay oo cagta cagta loo saaro. Tanina waa sababta aan u aaminsaneyn inuu yahay ciyaaryahan heer sare ah marka uu booskan ka ciyaarayo.”.
Gool FM.