(London) 25 Nof 2018. Alexandre Lacazette ayaa laga waayay safka kooxda Arsenal iyo waliba kuwa keydka ciyaartii ay 2-1 dhawaan uga adkaadeen kooxda Bournemouth.
Dhaliyaha reer France ayaa la dhibtoonayay dhaawac gumaarka ah kaa oo gaaray intii lagu guda jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga, waxaana laga reebay safka xulkiisa saacado yar uun kaddib markii lagu badelay booska Anthony Martial oo isna dhaawac looga reebay xulka France.
Yeelkeede, 27 jirka ayaa ka soo muuqday tababarka kooxda Arsenal ee arbacadii, tababare Emery ayaana sheegay inuu diyaar u yahay kulanka Bournemouth, balse laacibka ayaa laga waayay 18-ka xiddig ee loo soo xushay kulanka.
“Alexandre Lacazette oo qaba dhaawac gumaarka ah ayaa seegay kulanka maanta sababo la xiriira ka hor tag ahaan,” Bogga rasmiga ah ee Gunners ayaa sidaa lagu yiri kahor inta uusan kulanku bilaaban.
Gool FM.