Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Laacib ka ciyaara Premier League oo lagu qasbay inuu ka fariisto Ciyaaraha Gabi ahaan….(Sidee wax u jiraan??)+SAWIRRO

$
0
0

(England) 26 Nof 2018. Daaficii hore ee kooxaha West Brom iyo Norwich Leon Barnett ayaa lagu qasbay inuu isaga fariisto kubbada cagta oo idil kaddib markii ay dhakaatiirtu ogaadeen inuu qabo dhibaato wadnaha ah.

32-jirka ayaa iminka u ciyaarayay kooxda Northampton Town heerka labaad ee horyaalka Ingiriiska, balse waxaa loo sheegay inaysan u fiicneyn inuu sii wado tababarka iyo ciyaarista kubbada cagta.

“Dhammaan waan ka naxnay xaalada Leon,” Tababaraha Northampton Keith Curle ayaa sidaa u sheegay bogga rasmiga ah ee kooxda.

“Leon wuxuu qabay dhibaatooyin laakiin kaddib falcelintii uu sameeyay kulankii Bury waan wada ogeyn inay wax khaldan yihiin, sidaa darteed waxaan u dirnay baaritaano dheeri ah.

“Waaxda caafimaadka ayaa qaatay go’aanka saxda ah inay ciyaaraha oo idil ka joojiyaan, kaddib tijaabadii labaad iyo saddexaad, caafimaadkiisa iyo badqabkiisa Leon waxaa lagula taliyay inuu ka fariisto ciyaaraha.

“Waa Akhbaar murugo leh. Leon ma ahan oo kaliya ciyaaryahan fiican balse wuxuu sidoo kale lahaa shaqsiyad fiican garoonka bannaankiisa.

“Ka ciyaaryahan ahaan wuxuu ku raaxeystay waayo ciyaareed oo cajiib ah, isagoo ka ciyaaraya heerarka kala duwan oo idil si uu u ciyaaro 350 kulan oo kulamo waa wayn afarta heer ee Ingiriiska.”.

Waayaha Ciyaareed ee Leon, Kooxihii uu u soo ciyaaray, Kulamada iyo Goolasha uu u dhaliyay:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles