(Europe) 28 Nof 2018. Manchester United ayaa si naf lacaari ah ugu soo gudubtay wareega 16 ka ee Champions League kaddib gool madi ah oo soo daahay oo ay kaga adkaatay Young Boys.
Inkastoo ay Red Devils u soo baxday wareega xiga ee Koobka dhaga waynaha ayaa misane waxaa la arkayay Jose Mourinho oo dhulka ku tuuraya caagadaha biyaha kaddib markii uu Marouane Fellaini u dhaliyay goolka daqiiqadii 90-aad.
Fal celinta Jose ayaa waxaa la yaabay dadkii joogay Old Trafford Iyo khubarada falanqeynaysay kulanka.
Bishii November ee 2016 Jose ayaa lagu ganaaxay caagad biyo ah uu laaday iyadoona loo diray kuraasta sare ciyaar ay Man United bar baro la gashay West Ham.
Yeelkeede, Jose ayaa ciyaarta kaddib sheegay sababta uu caagadaha u tuuray inay ahayd neef ka soo fuqday maadaama uu ka degay culeyska jahwareerka kulanka.
Macalinka reer Portugal ayaa sidoo kale sheegay in kalanka aysan u ciyaareyn inay 0-0 galaan isla markaana ay ku jireen dhib Iyo jahwareer ilaa daqiiqadii ugu dambeysay kulanka balse ay uu ugu dambeyn Fellaini ka fujiyay taa oo keentay inuu sameeyo fal celintaas yaabka leh.
SAWIRRO:
Gool FM.