(Europe) 28 Nof 2018. PSG ayaa caawa mininkeeda ku marti galin doonta kooxda Liverpool kulan ka tirsan wareega Group yada Champions League balse u muuqda sida kulan Final ah.
Group C oo ay ku wada jiraan kooxaha Napoli, PSG Iyo Liverpool ayaa ah mid furan oo cid kasta u soo gudbi karta wareega 16-ka Champions League.
Xiddigaha ugu qaalisan kubbada cagta ee Neymar Iyo Mbappe ayaa laga cabsi qabay inay kulankaan dhaawacyo ku seegaan balse waxay u muuqataa inay caawa diyaar yihiin.
Dhanka Liverpool Sadio Mane ayaa la sheegay inuu xanuunsan yahay isla markaana uu shaki ku jiro kulanka caawa waxayse u badan tahay in lagu soo bilaabi doono.
EEG SAFAFKA ay ku soo gali karaan PSG Iyo Liverpool:
PSG:
LIVERPOOL:
Gool FM.