Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO: Luka Modric oo loo caleemo Saaray Ballon d’Or…(Sheekada Messi iyo Ronaldo oo ugu dambeyn la soo afjaray)

$
0
0

(Paris) 03 Dis 2018. Sidii la filayayba Luka Modric ayaa ku guuleystay abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.

Ronaldo iyo Messi ooTobankii sano ee ugu dambeysay xoog ku heystay abaal marintan ayaa caawa ugu dambeyn la soo afjaray xukunkooda.

Image result for modric ballon d'or 2018

Modric ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay taariikhda oo ka soo jeeda Croatia ee ku guuleysta Ballon d’Or.

Waxaa xusid mudan in isla sanadkaan uu Modric ku guuleystay laacibka sanadka ee Yurub iyo abaal marinta FIFA the Best.

Cristiano Ronaldo ayaa loo Magacaabay kaalinta 2-aad ee laacibka adduunka, halka Antoine Griezmann uu soo xirta Saddexaad waxaana afaraad soo galay da’yarka Kylian Mbappé.

 

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles