Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Alonso, Kante iminkana waa Kabtan Cesar Azpilicueta

$
0
0

(London) 04 Dis 2018. Chelsea ayaa heshiis afar sano ah ku Abaal marisay daafaceeda Cesar Azpilicueta.

Goor dhaweyd ayay ahady markii ay Blues heshiisyo Cusub ka saxiixatay Alanso Iyo Kante, iminka waa Cesar Azpilicueta, halka uu Yoolkeeda xiga yahay Eden Hazard.

“Dhabtii aad ayaan ugu farxsanahay inaan ballaariyo sii joogisteyda Chelsea,” Daafaca reer Spain ayaa sidaa yiri kaddib markii uu qalinka ku duugay heshiis afar sano ah.

“Tan Iyo markaan imid, waxaan dareemay raaxada Iyo masuuliyada loogu ciyaaro kooxdan, Taageerayashan, markasta oo aan garoonka cag dhigana waxaan isku dayaa inaan sameeyo teyda ugu fiican.

“Waxaan rajeenayaa inay wax badan imaan doonaan isla markaana aan Chelsea ku heyn karno halka ay mudan tahay.”.

Azpilicueta ayaa Chelsea kula guuleysta labo jeer Premier League, FA Cup Iyo Europe League tan Iyo sidii uga soo tagay naadiga Marseille 2012-kii.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles