Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Man United weli waa Man United.”.- Lucas Torreira oo Fariin u diray Saaxiibadiisa ka hor kulanka Caawa

$
0
0

(England) 05 Dis 2018. Manchester United oo miciyo la’aan ah ayaa caawa mininkeeda Old Trafford ku marti galin doonta Arsenal oo qaab ciyaareed fiican ku jirta.

Gunners ayaa 4-2 ku soo dishay Tottenham waxaana kor u kacday rajadeeda inay afarta sare ku dhammeysan karto kal ciyaareedkan.

Kooxda Jose Mourinho ayaa sideed dhibcood oo nadiif ah u jirta Arsenal, laakiin Lucas Torreira ayaa sheegay in Man United ay weli tahay Man United isla markaana uu Jose Mourinho macalin wayn yahay.

“Kulanka Man United wuxuu noqon doonaa kulan aan kala hortageyno koox si toos ah nala xifaaltanta waayo Man United way naga hooseysaa kala sarreynta horyaalka,” Torreira ayaa sidaa yiri.

Torreira

“Goolal badan ayaan leenahay kal ciyaareedkan. Waxaan ciyaareynaa dhowr tartan waxaana sameynaynaa sida ugu fiican ee ugu macquulsan.

“Tan ugu muhiinsana waa inaan sii wadno inaan koox ahaan u korno.

“Waa run in Man United ay sideed dhibcood naga dambeyso, laakiin weli iyagu waa Manchester United, weli waa koox xoogan oo heysata macalin wayn.

“Waxay ku ciyaarayaan gurigooda oo ay taageerayaal badan u joogaan waana ognahay in kulamada dhammaan ee Tartankan uu yahay kuwa duwan oo aad u adag.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles