Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ramos oo ammaan ugu qubeeyay Buffon ka hor finalka Champions League

$
0
0

raaa

(Madrid) 31 Maajo 2017. Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa ammaanay dhigiisa Juventus ee Gianluigi Buffon ka hor dheeshooda finalka Champions League ee sabtida.

Buffon hadafkiisa ugu wayn waa inuu ku guuleysto Champions League markiisii ugu horreysay taariikhda marka ay magaalada Cardiff isku qabtaan kooxda Real Madrid.

Ramos ayaa si wayn u amaanay rugcadaaga Juventus kaa oo ku guuleystay 8 jeer Serie A.

“Buffon waa halyeey waxaana lagu xusuusan doonaa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican taariikhda kubbada cagta,” Ramos ayaa sidaa yiri.

Image result for Ramos with Buffon

“Wuxuu tusaale u yahay qofkasta kaa oo doonaya inuu noolaado isla markaana doonaya inuu wax ka barto ciyaarahan wuxuu sidoo kale muujiyay in da’du aysan caqabad ahayn.”.

Kooxda ka dhisan Magaalada Madrid ayaa eeganeysa inay noqoto kooxdii ugu horreysay ebid ee labo jeer ee is xigta ku guuleysata Champions League iyo waliba rikoodh ah koobkoodii 12-aad.

Halka Juventus ay rajeynayso inay koobkan ku guuleysato markii ugu horreysay kaddib 1995.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles