(Roma) 31 Maajo 2017. Daniele De Rossi ayaa qandaraas cusub oo ku eg bisha June ee 2019 qalinka ugu duugay kooxda AS Roma ee dalka Talyaaniga.
Roma ayaa dhawaan kooxda ka sagootisay oo macsalaameysay rugcadaageeda Francesco Totti, laakiin waxay noqotay inay sii heystaan De Rossi oo ah laacib kale oo Roma ku daxaleystay.
Xiddiga qadka dhexe ee reer Talyaani ayaa heshiiska uu kula joogay Roma wuxuu ka dhacayay bisha soo socota laakiin wuxuu iminka saxiixay 2 sano oo heshiis ah uu ku sii joogayo Stadio Olimpico.
33 jirka ayaa ka soo baxay akaadamiyada kooxda wuxuuna u saftay 561 kulan dhammaan tartamada tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay 2001-dii wuxuuna u dhaliyay 59-gool.
Gool FM.