Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

MAN CITY CAADI MAAHA: Wiilasha Guardiola oo Xalay Premier League ka dhigay RIKOODHKII ugu fiicnaa muddo 125-sano ah

$
0
0

(England) 05 Dis 2018. Manchester City ayaa xalay dhigtay Rikoodhkii ugu fiicnaa dhanka Goolasha Premier League muddo 125-sano kaddib.

Kooxda Pep Guardiola ayaa weli la joojin la’yahay kaddib markii xalay 2-1 uga adkaatay naadiga Watford waxayna iminka shan dhibcood oo nadiif ah ka sarreysaa Liverpool oo iyadu caawa ciyaari doonta.

City wax guul darro ah ma arkin 15-kulan ay ciyaartay Premier League kal ciyaareedkan, 13-guul iyo 2-bar baro ah.

Guulaha waxaa u dheer goolasha ay sida roobkii ugu shubeyso kooxaha ka soo horjeeda oo waxay dhaliyeen ilaa iminka 45-gool waxaana laga dhaliyay 7-gool oo qura.

Farqiga goolasha ee 38 ma ahan Rikood ku cusub horyaalka Ingiriiska laakiin waa Rikoodhka goolasha ee ugu fiican 125-kii sano ee ugu dambeysay.

Markaad dib u milcsato 1800 waxaad ogaaneysaa kooxda heysata rikoodhka goolasha ee ugu fiican horyaalka Ingiriiska, xilli ciyaareedkii 1892-93 naadiga Sunderland ayaa heysatay farqi goolasha 39-gool markii ay ciyaartay 15-kulan oo qura.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles