Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

JUVENTUS vs INTER MILAN: Maxaad uga Baahan tahay inaad ka ogaato kulanka Caawa ee ‘Derby d’Italia’

$
0
0

(Italy) 07 Dis 2018. Juventus ayaa caawa mininkeeda ku marti qaadi doonta naadiga Inter Milan kulanka faca wayn ee la magac baxay Allianz Stadium.

Kulankan ayaa markasta leh dhadhan gaar ah inkastoo aad u wayn yahay farqiga dhibcaha ee u dhexeeya labada kooxood oo Juventus ayaa 11-dhibcood oo nadiif ah ka sarreysa Inter Milan.

Haddaba wax badan ka ogoow kulanka:

DHAAWACYADA:

Juve: 

Emre Can ayaa dib ugu soo laaban kara kursiga keydka ee Juventus sida ay warineyso Tuttosport kaddib markii uu tababarka ku soo laabtay lix usbuuc uu dhaawac ku maqnaa kaddib.

Sami Khedira ayaa weli dhaawac ku maqan waxaana lagu wadaa inay qadka dhexe ka sii wada ciyaaraan Blaise Matuidi, Miralem Pjanic iyo Rodrigo Bentancur.

Alex Sandro ayaa seegay kulankii ay Juve guusha ka gaartay Fiorentina balse waxaa la filayaa inuu caawa ku soo laabto booskiisa garabka bidix ee daafaca.

Inter:

Dalbert Henrique iyo Sime Vrsaljko ayaa shaki laga muujinayaa, halka sidoo kale  Radja Nainggolan isna shaki laga muujinayo kaddib markii uu seegay kulankii ay dhawaan Inter la ciyaartay kooxdiisii hore ee Roma.

Borja Valero ayay u badan tahay inuu ka sii ciyaari doono booska Nainggolan.

GOORMA AYAA KULANKA LA DAAWANAYAA:

Waxay ciyaartu soo gali doontaa marka ay saacada dhankeenta tilmaameyso 10:30 Habeenimo wuxuuna kulanka ka dhici doonaa gegada Allianz Stadium.

YAA BADIS BADAN LABADA KOOXOOD:

Related image

Juventus ayaa ku awood badan kulanka la magac baxay Derby d’Italia, oo 105-jeer ayay adkaatay 233-kulan oo Rasmi ah ay wada ciyaareen Inter Milan, halka kooxda tababare Luciano Spalletti ay badisay 71-jeer waxayna bar baro galeen 57-jeer.

SAFAFKA AY CAAWA KU SOO GALI KARAAN LABADA KOOXOOD:

Juve:

Inter:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles