Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Pep Guardiola oo ka soo jawaabay hadalkii Hazard ee ahaa: “Manchester City waxa kaliya ee ka maqan waa aniga”

$
0
0

(England) 08 Dis 2018. Eden Hazard ayaa shalay ka dhawaajiyay in Manchester City ay tahay koox dhammeystiran oo wada shaqeysa isagoona hoosta ka xariiqay in waxa kaliya ee ka maqan waqti xaadirkan uu isagu yahay.

Chelsea ayaa caawa Stamford Bridge ku marti galin doonta kooxda ilaa hadda dhinaceeda dhulka la dhigi la’yahay Premier League ee City, waana kulan muhiim u ah Blues oo nooleynaya rajadeeda afarta sare.

Pep Guardiola oo wax laga waydiiyay warka ka soo yeeray Hazard ayaa diiday qiyaas fikradeedka ku aadan inay u soo dhaqaaqi karaan saxiixa xiddiga reer Belgium.

“Taasi ma dhici doonto. Maya,”.

Tokeo la picha la Hazard and Guardiola

Dhanka kale Guardiola oo wax laga waydiiyay khatarta uu Hazard ku yeelan karo daafacyadiisa kulanka caawa ayaa yiri:

“Inbadan, waan idin ku raacsanahay midaa, wuxuu Hazad sheegtay inuu aad u fiican yahay waana ku raacsanahay midaa.

“Waxaad daarataa TV-ga, fiiri isaga, durbadiiba waxaad garowsaneysaa tayadiisa. Adiga oo saxaafadda ah ayaa iiga aqoon badan tayadiisa. Waa ciyaaryahan aan innaba caadi ahayn, mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles