Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Pogba oo Daanka ka jabay isla markaana Isbital la dhigay kaddib markii uu QOSLAYAY 12-saacadood oo Xiriir ah maadaama la CEYRIYAY Jose Mourinho….(SAWIR MAAD LEH)

$
0
0

(England) 19 Dis 2018. Manchester United ayaa Shalay Ceyrisay macalinkeeda Jose Mourinho kaddib natiijo xumo ay kooxda ka kaban waysay.

Paul Pogba ayaa shaki ku jirin inuu si wayn ugu farxay in kooxda laga eryay macalinka reer Portugal oo uu dagaal badan dhex maray taa oo keentay inuu Keydka ka soo kici waayo.

Wuxuu durba baraha bulshada soo dhigay sawir jees jees ah oo ku aadan ceyrinta Jose, taa oo dhalisay in si wayn loo dhaleeceeyo xiddiga reer France waxaa xitaa suuro gal ah inay kooxdu ganaaxdo.

Yeelkeede, webka Dream Team ayaa Sawir maad leh ka sameeyay farxada Pogba kaddib markii la ceyriyay Mourinho.

Waxay Sawirka cinwaan uga dhigeen in Isbital la dhigay xiddigii hore ee Juventus kaddib markii uu daanka ka jabay maadaama uu qoslayay 12-saacadood oo xiriir ah kaddib Ceyrinta Jose Mourinho.

“Paul Pogba hospitalised with a broken jaw after laughing for 12 hours straight”

EEG SAWIRKA:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025