(London) 20 Dis 2018. Tottenham ayaa waayi doonta adeega dhaliyaheeda Heung-Min Son muddo saddex kulan ah kaddib markii looga yeeray xulka qarankiisa South Korea oo ka qeyb galaya Asian Cup.
Spurs ayaa shaacisay in 26-jirka uu xulkiisa la midoobi doono 13-ka Janaayo kaddib marka ay la ciyaaraan kooxda Manchester United.
Waxayna taa la micno tahay inuu hubaal seegi doono kulamada Premier League ee Fulham iyo Watford.
Wuxuu siodoo kale seegi doonaa kulanka lugta hore ee Semi-Final ka Carabao Cup ay Tottenham la ciyaari doonto Chelsea 22-ka bisha Janaayo.
Koobka Asian Cup oo lagu qaban doono isku taga Imaaraadka ayaa bilaaban doona 5-ta bisha Janaayo iyadoona la soo afjari doono 1-da Feebaraayo.
Haddii uu xulka South Korea gaaro final ka, waxaa sidoo kale jiri kara fursad uu Son uga maqnaan karo kulanka ay kooxdiisu la ciyaareyso Newcastle United 2-da Feebraayo.
Xulka Son oo ku jira Group C ayaa waxaa ku wehliya China, the Phillipines iyo the Kyrgyz Republic.
Xiddiga Tottenham ayaa seegi doona labada kulan ee ugu horreysa wareega Group yada ee Asian Cup, oo wuxuu ka soo qeyb gali doonaa kulanka ugu dambeeya wareega Group-ka uu South Korea la ciyaari doono Shiinaha 16-ka bisha Janaayo maadaama uu ka qeyb galayo kulanka Spurs iyo Man United ee dhacaya 13-ka bisha.
Gool FM.