(Europe) 21 Dis 2018. Cristiano Ronaldo ayaa khiyaano canshuur uu ka geystay dalka Spain ugu dambeyn lagu ganaaxi doonaa bisha soo socota kaddib markii uu qirtay inuu bixin waayay canshuur dhan 12-milyan oo bound.
Xukunka Ganaaxa ayaa si rasmi ah Ronaldo loogu ridi doonaa 21-ka bisha Janaayo kaddib markii ay heshiis wada gaareen xeer ilalaaliyaasha.
Ganaaxa ayaa noqon doona lacago dhan 17-milyan oo euro iyo waliba Xabsi labo sano ah.
Laakiin Ronaldo labada Sano xabsi kuma qaadan doono, waayo sharciga xukuumadda Spain ayaa dhigaya in ganaaxa labada sano ama wixii ka yar qofka laga cafin karo inuu xabsiga ku qaato haddii uu si fiican u dhaqo ama uusan dambi kale galin, sharcigaas ayaana Ronaldo u ogolaanaya inuusan xabsi ku qaadan doonin labada sano.
Dacwada Ronaldo ayaa la dhageysan doonaa 21-ka bisha soo socta marka ay saacada Spain tilmaameyso 9.50am.
Lionel Messi, Javier Mascherano iyo Jose Mourinho ayaa ka mid ahaa kuwa ay sidaan oo kale xukun ganaax ah ugu riday xukuumada Spain kaddib isdaba marin Canshuur.
Gool FM.