Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Inter Milan oo Xaqiijisay inay Ciyaaraha ka joojisay xiddigeeda Radja Nainggolan!??…(Maxaa dhacay?)

$
0
0

(Milan) 23 Dis 2018. Naadiga Inter Milan ayaa ganaax dul dhigtay xiddigeeda qadka dhexe ee Radja Nainggolan iyadoona ku wargalisay inuusan kooxda u ciyaari doonin kulamada soo socda sababo ay ku sheegeen mid Anshaxa ah.

Laacibka reer Belgium ayaa Inter kaga soo biiray Roma bishii June heshiis la sheegay inuu ku kacay 38-milyan oo euro oo lagu daray  Nicolo Zaniolo inkastoo ilaa iminka uusan soo bandhigin wixii laga filayay.

Wuxuu dhaliyay 2-gool 11-kulan uu ka soo muuqday horyaalka Serie A kal ciyaareedkan iyadoo ay kooxdiisuna fadhiso kaalinta saddexaad.

Kooxda reer Talyaani ayaa si lama filaan ah dhawaan uga dhawaajisay in Nainggolan uusan u safan doonin kooxda kulamada soo socda.

“Inter waxay xaqiijineysaa in Radja Nainggolan si ku meel gaar ah laga ganaaxay dha-dhaqaaqyada kubbada cagta sababo la xiriira Dishibiliinka/Anshaxa.”. Sidaa ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay kooxda Inter Milan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles