(London) 26 Dis 2018. Xiddiga Real Madrid ee amaahda ku jooga Chelsea Mateo Kovacic ayaa cabsi galiyay taageerayaasha Blues kaddib markii uu daaha ka rogay in Eden Hazard uu wax ka waydiiyay camaaliqada reer Spain oo baryahaanba lala xiriirinayay.
Xiddiga reer Belgium ayaa si aan gambasho lahayn marar badan u sheegay inuu ku riyoodo sidii uu mar uun ugu ciyaari lahaa kooxda Real Madrid.
Inkastuu Kovacic sheegay in Hazard uu wax ka waydiiyay kooxda Real Madrid misane wuxuu qiray inuu boqolkiiba boqol iminka diirada saarayo kooxdiisa Blues. Wuxuuna intaa ku daray inuuba la yaaba laacibnimada Hazard.
“Aniga ahaan, Hazard waa laacib aan innaba caadi ahayn, Ma moodeyn inuu sidaa oo dhan u fiican yahay, si fudud ayuuna ku noqon karaa mid ka mid ah labada ama saddexda xiddig ee ugu fiican kubbada cagta adduunka,” Kovacic ayaa sidaa yiri.
“Wuxuu wax iga waydiiyay sida ay ahayd Real Madrid, laakiin waxaan eeganeynaa sidii aan u wada qaadan lahayn xilli ciyaareed wayn isla markaana aan si buuxda diirada ugu saarno Chelsea.
“Wuxuu inbadan diirada saarayaa sidii uu waxyaabo wayn ula sameyn lahaa Chelsea.”.
Gool FM.