(Europe) 28 Dis 2018. Maalmo yar ayaa naga xiga inuu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo albaabada loo balaqi doono 1-da bisha Janaayo iyadoo uuna xirmi doono 31-da.
Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta suuqa laga furayo ilaa uu ka xirmayo.
Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararka Xanta ee ku aadan ciyaartoyda insha’alaah.
PSG ayaa wada hadalo ku aadan sidii uu bisha Janaayo ugu soo dhaqaaqi lahaa la yeelatay xiddiga qadka dhexe ee Arsenal Aaron Ramsey 28-jir, laacibka reer Wales ayaa heshiiskiisu dhacayaa dhammaadka kal ciyaareedkan. (L’Equipe – in French)
Kooxda reer France ayaana dalab 9-milyan ah u diyaarineysa Ramsey si ay uga hortagto xiisaha kaga imaanaya kooxaha bayern Munich iyo Juventus. (Mirror)
PSG ayaa sidoo kale dooneysa 29-jirka reer Senegal ee qadka dhexe kaga ciyaara Everton Idrissa Gueye. (L’Equipe – in French)
Manchester United ayaa si taxadar leh uga fikir doonta macallinka Juventus Massimiliano Allegri maadaama ay ku guda jirto baadi goobka macallin si joogta ah xilka ugu qabta. (ESPN)
Tottenham ayaa aaminsan in Real Madrid ay ku tahay khatar ka wayn Man United si ay uga qaataan macallinkooda Mauricio Pochettino. (Telegraph)
Laakiin Man United ma shaacin doonto macalinkooda cusub ka hor dhammaadka kal ciyaareedkan. (Talksport)
Madaxa fulinta Manchester United Ed Woodward malahan wax u jeed ah uu bisha Janaayo ama Suuqa Xagaaga isaga iibinayo xiddiga qadka dhexe ee reer France Paul Pogba iyadoo ay jirto xiiso kaga imaanaya Juventus iyo Barcelona. (Telegraph)
Eden Hazard weli diyaaar uma aha inuu heshiis cusub kala hadlo Chelsea ilaa laga gaaro suuqa xagaaga iyadoo ay jirto xiiso 27-jirka kaga imaanaya Real Madrid. (Sun)
West Ham ayaa laacibka xorta ah ee Samir Nasri 31-jir u bandhigtay qandaraas uu usbuuciiba ku qaadanayo 80,000 oo bound ilaa dhammaadka kal ciyaareedka iyadoo ganaaxa saaran laacibka uu dhammaan doono 31-da bishan December. (Mirror)
Weeraryahanka Tottenham Harrry Kane ayaa sheegay in guulaha kooxdiisa ee xagaagan ay u caddeynayso inaysan wax laacib ah la la soo saxiixan suuqa xagaaga. (ESPN)
Daafaca garabka Bidix ee Liverpool Alberto Moreno ayaa sheegay inuusan marna ku faraxsanayn sida uu ula dhaqmay tababare Jurgen Klopp isla markaana uu doonayo inuu dib ugu laabto Spain iyadoo uu qandaraaskiisu dhacayo bisha June. (AS)
Gonzalo Higuain wuxuu doonayaa inuu u dhaqaaqo Chelsea, Juventus ayaana diyaarineysa inay iibiso weeraryahanka 31-jirka ah kaa oo iminka heshiis amaah ah ugu jooga AC Milan. (Sportmediaset -)
Macallinka Everton Marco Silva ayaa sheegay in weeraryahanka reer Turki Cenk Tosun, 27-jir uu weli mustaqbal ku leeyahay kooxda. (Guardian)
Real Madrid ayaa dooneysa inay la soo saxiixato daafaca garabka bidix ee Real Betis Junior Firpo, 22, si uu badel ugu noqdo Marcelo, laakiin waxay tartan kala kulmi dooonaan kooxaha Arsenal iyo Manchester City. (AS)
Daafaca dhexe ee reer Colombia Jeison Murillo, 26-jir ayaa doonaya inuu si joogta ah ugu biiro kooxda Barcelona kaddib markii uu ugu soo biiray heshiis amaah ilaa dhammaadka kal ciyaareedka isagoona ka yimid Valencia waxaana lagula wareegi karaa 25-milyan. (Marca)
Thorgan Hazard walaalka ka yar Eden Hazard looma ogolaan doono inuu ka soo tago Borussia Monchengladbach bisha Janaayo iyadoo ay jirto xiiso kaga imaanaya kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay Tottenham, halka Chelsea ay kula jirto heshiis ay xagaagan dib ula soo wareegi karto 25-jirka reer Belgium. (Bild)
Xiddiga qadka dhexe ee reer Netherlands Frenkie de Jong ayaa heshiis shan sano ah la gaaray Barcelona kuwaa oo iminka rajeenaya inay Ajex la galaan wada hadalo ay ku dhimayaan lacagaha 75-milyan ay ku doonayaan 21-jirka. (Sport)
Madaxa fulinta Atletico Madrid Miguel Angel Gil Marin ayaa la kulmi doona Bayern Munich bisha Janaayo laakiin ma ogolaan doono in daafaciisa reer France Lucas Hernandez, 22-jir uu kooxda ka tago ilaa laga gaaro suuqa Xagaaga. (Spox)
Kooxaha Spain ku xifaaltama ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa wada xiiseynaya 18-jirka reer France ee daafaca dhexe kaga ciyaara naadiga Toulouse ee Jean-Clair Todibo. (Mundo Deportivo)
W/D: Abdisamed Mohamed Hassan. (Black Yare)
Gool FM.