(Europe) 10 Jan 2019. Macalinka PSG Thomas Tuchel ayaa ka hadlay wararka sheegaya in laacibkiisa reer Brazil ee Neymar uu ka horyimid horyaalka Faransiiska ee aan tartanka badan lahayn sidaa darteed uu doonayo inuu dib ugu laabto La Liga.
Tuchel ayaa ka dhawaajiyay in Neymar uu doonayo inuu hogaamiye ka noqdo kooxda isla markaana uusan dooneyn inuu ka tago.
Adduun dhan 200 oo milyan ayuu Barca uga soo tagay 2017 kolkaa uu soo cago dhigtay Faransiiska isagoona noqday laacibka ugu qaalisan kubbada cagta adduunka, balse muddo sanad ah waxaa lala xiririnayaa inuu dib ula midoobi doono Messi.
“Waxaan aaminsanahay in dhabtii uu Neymar dareemayo farxad, waa xirfadle,” Tababaraha ayaa sidaa yiri.
“Waxaan aaminahay inuu wanaag ku dareemayo halkan, qolka dharbadelashada iyo garoonkaba, anshax ayuu leeyahay, waxyaabo badan ayuu ka sameeyaa garoonka.
“Waad aragteen tiro-koobkiisa iyo waxyaabaha uu ka sameynayo tababarka.”.
Neymar ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Real Madrid oo weli baadi goob ugu jirto xiddig wayn oo ay ku buuxiso booska Cristiano Ronaldo oo kaga biiray Juventus.
Gool FM.