Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waan HURDEYNAY/JIIFNAY qeybta hore ee Ciyaarta iyaguna waa naga faa’iideysteen.”.- Busquets oo ka hadlay Guul daradii Xalay soo gaartay Barcelona

$
0
0

(Spain) 11 Jan 2019. Barcelona ayaa xalay guul darro kala kulantay kooxda Levanta lugta hore ee wareega 16-ka Copa del Rey kaddib markii lagu maray 2-1.

Sergio Busquets oo ka hadlay guul darrada soo gaartay kooxdiisa ayaa sheegay inay hurdeen qeybta hore ee ciyaarta sidaa darteed laga faa’iideystay balse wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in weli kulanku nool yahay maadaama ay dhiman tahay lugta labaad.

Rigoore uu dhaliyay Philippe Coutinho ayaa sare u qaaday rajada Barcelona ee lugta labaad.

“Kulanku weli wuu nool yahay sababtoo ah goolka Coutinho kooxduna way u qalantay qeybta labaad,” Busquets ayaa sidaa yiri kaddib ciyaarta.

“Waan hurdnay qeybta hore ee ciyaarta iyaguna midaa ayay ka faa’iideysteen.

“Labo gool ayay naga dhaliyeen qeybta hore balse weli fursado ayaan helnay qeybta hore.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles