Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

BAL EEG: Manchester United oo SHAXDEEDA ugu fiican ku soo galeysa kulanka Axada ee Tottenham

$
0
0

(England) 11 Jan 2019. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa axada mari doona tijaabadiisii ugu adkeyd tan iyo sidii uu xilka ugu qabtay Manchester United marka ay Wembley ku wajahayaan kooxda Tottenham tartanka Premier League.

Macalinka ku meel gaarka ee Red Devils ayaa soo wada adkaaday shantii kulan uu soo ciyaaray ilaa iminka balse koox wayn lama kulmin oo axada ayuu marayaa tijaabadiisii ugu horreysay oo wayn.

Paul Pogba oo seegay kulankii ugu dambeeyay ee Manchester United ee FA Cup kaddib jug ka soo gaartay ciyaartii Premier League  ay la yeesheen Newcastle United ayaa la xaqiijiyay inuu taam u yahay kulanka Spurs maadaama uu tababarka Dubai kula soo qaatay kooxdiisa isagoo bed qaba.

Haddaba warsidaha The Sun ayaa daaha ka rogay in Solskjaer lagu wado inuu kulanka ku soo galo shaxdiisii ugu fiicneyd.

Rashford ayuu halyeygii hore ka doorbidayaa Lukaku, waxaana wiilka reer England weerarka lagula soo bilaabi doonaa wiilasha kale ee dhalin yarada ah Martial iyo Lingard.

EEG SHAXDA ay Man United ku soo gali karto kulanka Tottenham:

 How Man United could line up against Tottenham

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles