(Spain) 13 Jan 2019. Lionel Messi ayaa horyaalka Spain ee La Liga ka dhigay Taariikh aan cidi uga horreyn kaddib goolkii uu ka dhaliyay Eibar ciyaartii ay dhawaan 3-0 uga adkaadeen.
Suarez ayaa labo dhaliyay halka goolka kale uu dhaliyay kabtanka xulka Argentina iyo Barcelona ee Lionel Messi taa oo micno gaar ah u sameysay.
Wuxuu noqday laacibkii ugu horreeyay ebid Taariikhda oo 400 oo gool ka dhaliya La Liga.
Lionel Messi becomes the first player to ever score 400 goals in La Liga
— B/R Football (@brfootball) January 13, 2019
Laakiin Messi weli waxaa ka Sarreeya Cristiano Ronaldo oo wuxuu noqday laacibka labaad oo gaara 400-gool taariikhda 5-ta horyaal ee ugu waa Wayn Yurub oo Ronaldo ayaa ka horreeyay 409-gool, laakiin kulamada waxaa yar Messi 63-kulan.
400 – Lionel Messi has become just the second player to reach 400+ goals in the history of Europe’s top five leagues (400 goals), after Cristiano Ronaldo (409), reaching the milestone in 63 games fewer. Amazing. pic.twitter.com/4yoaVlnkIx
— OptaJose (@OptaJose) January 13, 2019
Gool FM.