Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

SAWIRRO: AC Milan oo soo bandhigtay Saxiixeeda Cusub ee Piatek….(Lambarkee la siyay??)

$
0
0

(Milan) 24 Jan 2019. AC Milan ayaa si rasmi ah Saxaafadda ugu soo bandhigtay Krzysztof Piatek kaa oo ay Genoa kaga soo iibsatay adduun dhan 35-milyan oo lagu dari doono lacago Bareemiyo ah.

23-jirka reer Poland ayaa qalinka ku duugay heshiisa uu kula joogi doono kooxdiisa Cusub ilaa June 2023.

Piatek ayaa 19-gool u dhaliyay Genoa 21-kulan oo qura uu u saftay.

13-gool ayuu dhaliyay 19-kulan uu ka soo muuqday horyaalka Serie A iyo waliba lix gool uu dhaliyay labo kulan oo kaliya Coppa Italia oo ay ka mid tahay Afar uu dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay tartankan.

Xiddiga lagu wado inuu buuxiyo booska uu ka baxay Gonzalo Higuain ayaa loo xiray lambarka 19-aad.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles