Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

HORDHAC: Arsenal vs Manchester United

$
0
0

(England) 25 Jan 2019. Arsenal ayaa mininkeeda ku marti galin doonta kooxda ay sida wayn u xifaaltamaan ee Manchester United wareega 4-aad ee FA Cup.

Wararka Labada Dhinac:

Arsenal waxaa ka maqnaan doona Daafacooda Hector Bellerin sababo la xiriira dhaawac ka gaaray  seedka jilibka kaa oo soo afjaray xilli ciyaareedkiisa.

Henrikh Mkhitaryan kama hor imaan doono kooxdiisii hore ee Manchester United maadaama uu weli ka soo kabanayo Jab ka gaaray cagta lugta.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo jeediyay in Alexis Sanchez uu ka soo muuqan doono kulanka ay ku wajahayaan kooxdiisii hore kaddib dhibaato muruqa ah uu dhawaanahaan qabay.

Marcos Rojo iyo Marouane Fellaini ayaa iyagu dhaawacyo ku sii maqnaan doona.

Chris Smalling ayaa tababarka qaatay kaddib dhibaato cagta ah, Luke Shaw ayaa isna ka soo kabtay xanuun hayay kaa oo sababy inuu seego guushii ay Man United ka gaartay Brighton usbuucii la soo dhaafay.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kooxaha: Arsenal vs Manchester United

Tartanka: Wareega 4-aad ee FA Cup.

Goorta: 10:55 Habeenimo

Goobta: Emirates Stadium

Kulamada  Waji ka Wajiga:

Arsenal ayaa adkaatay kaliya labadii kulan ee hore ay Gurigeeda kula ciyaartay Man United tartanka FA  Cup.

Yeelkeede, Gunners ayaa adkaatay hal kulan oo qura lixdii kulan ee ugu dambeeyay ay wajahdo United dhammaan tartamada (3-guul daro iyo 2-bar baro)

Kaarka Cas ayaa la qaadanayay shan ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeeyay ay labada kooxood isaga horyimaadaan FA Cup

Xaqiiqooyinka Kulanka:

ARSENAL:

Arsenal ayaa guul darreysatay kaliya labo kulan ay ku ciyaartay gurigeeda dhammaan tartamada kal ciyaareedkan, waxay adkaatay 13-kulan halka ay bar baro gashay saddex kulan.

Waxay gaareen wareega 5-aad ee FA Cup ama meel ka fiican todobo ka mid ah Sideedii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, marka kaliya ay ku guul darreystaan inay heerkaas garaan waxay ahayd kal ciyaareedkii tagay markii ay ka horyimaadeen Nottingham Forest.

Gunners ayaa ku guuleysanaysay FA Cup saddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay ay tartanka ka reebtay Manchester United 2002-03, 2004-05 iyo 2014-15.

Arsenal ayaa guuleystay 12 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay FA Cup ay ku wajahdo kooxaha kala soo jeeda Premier League.

MANCHESTER UNITED:

Man United ayaa adkaatay dhammaan 7-adii kulan uu hogaamiyay Ole Gunnar Solskjaer, waxay dhaliyeen 19-gool halka laga dhaliyay afar gool oo qura.

Kaliya hal gool ayaa laga dhaliyay saddex kulan ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tan iyo sidii uu xilka ugu qabtay Solskjaer.

Manchester United ayaa guul darreystay kaliya hal kulan 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ay ciyaarto wareega 4-aad ee FA Cup.

Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 13-gool 14-kiisii kulan ee ugu dambeeyay FA Cup, oo ay ka mid tahay Lix gool uu Todobo kulan ugu dhaliyay United.

Sagaal Gool iyo Sagaal Caawin, Alexis Sanchez ayaa si toos ah ugu lug lahaa 18-gool 19-kulan uu ka soo muuqday FA Cup intii lagu guda jiray waayihiisa Arsenal iyo tan Manchester United.

Safafka ay ku soo gali karaan Arsenal vs Manchester United:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles