(Europe) 28 Jan 2019. Koobka Qaramada Afrika ayaa dib loo dhigay lix Maalmood sababo la xiriira Ciyaartoyda Muslmiinta ah dartooda si ay u helaan waqti ay ku nastaan kaddib bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Sida caadiga ah shaqsi kasta oo Muslim ah looma ogola inuu wax biyo ama cunno ah qaato maalinkii oo dhan 30-ka beri ee bisha Ramadaan taa oo adkeynaysa in ciyaartoyda Muslimiinta ah ay qaataan Tababar.
Afrikan Cup of Nations ayay ahayd inuu bilowdo 15-ka bisha June balse iminka dib ayaa loo dhigay oo wuxuu furmi doonaa 21-ka June si ay Ciyaartoyda Muslimiinta ah u helaan nasiino Usbuuc ah kaddib bisha Ramadaan.
Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dhammaan doonta 4-ta June taa oo ka dhigan in Ciyaartoydii Soomaneyd ay heli doonaan Usbuuc ay ku soo kabtaan iskuna diyariyaan.
Tartanka Koobka Qaramada Afrika ayaa waxaa ka qeyb gali doona xiddigo waa wayn oo Muslimiin ah sida Maxamed Saalax iyo Sadio Mane.
Gool FM.