(London) 29 Jan 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa soo dhaweyn doonta caawa naadiga Cardiff City kulan ka tirsan kuwa 24-aad ee horyaalka Premier League.
Gunners ayaa doonaysa inay wadada guusha dib ugu soo laabato caawa kaddib guuldarradii 3-1 ee ka soo gaartay naadiga Manchester United tartanka FA Cup-ka.
Wararka labada dhinac:-
Arsenal ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono xiddigeeda Sokratis ugu yaraan kulanka caawa kaddib markii uu dhaawac canqowga ahi ka soo gaartay kulankii Jimcihii ay guuldarrada kala kulmeen Manchester United.
Difaaca dhexe ee Laurent Koscielny sidoo kalena ah kabtanka kooxda ayaa isna ay u badan tahay inuu ka maqnaan doono Gunners kulanka caawa kaddib markii uu daanka ka dhaawacmay kulankii Man Utd.
Macallinka Cardiff ee Neil Warnock ayaa u sheegay xiddigaha kooxdiisa inay go’aansadaan inay maskaxdooda ka saaraan laacibkoodii Emiliano Sala oo nolol iyo geeri lagu la’yahay kaddib markii ay la luntay diyaraddii u soo wadatay dalka Wales, isla markaana ay diiradda saaraan kulanka caawa ee Gunners.
Sean Morrison ayaa kooxda Cardiff kasii maqnaan doona kaddib qalliinkii lagu sameeyey.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Kulanka: Arsenal vs Cardiff City (Premier League)
Goobta: Emirates Stadium
Goorta: 10:45 Habeenimo
Garsoorka: Mike Dean
Xaqiiqooyinka Kulanka:-
>- Arsenal ayaa guuldarro la’aan ah (unbeaten) 14-kii is arag ee ugu dambeeyey, iyadoo guul gaartay saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka Premier League ku wajahday Cardiff City.
>- Kooxda The Bluebirds lagu nanayso ayaa guuldarro la kulmay lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay booqdeen Arsenal tartammada oo dhan.
>- Cardiff kaliya labada guul ee sare oo ay ka gaartay Gunners ayaa yimid xilli ciyaareedkii 1960-61.
>- Arsenal ayaa guul gaartay shan kulan oo xiriir ah oo ay gurigeeda ku ciyaartay horyaalka Premier League, waana rikoorkoodii guuldarro la’aan ee ugu dheeraa kaddib 11 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda Emirates isla markaana ku heshay 9 guul iyo 2 barbaro.
>- Arsenal ayaa guul gaartay 32 kulan, waxaana ay barbaro gashay mid kale 33-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday kooxda ku jira booska loogu laabto heerka labaad (relegation zone) tan iyo markii ay guuldarro ka soo gaartay West Ham United bishii April sanadkii 2007.
>- Sidoo kale Gunners ayaan wax guuldarro ah la kulmin 23-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay Emirates ku qaabishay kooxaha loo soo dallacsiiyey horyaalka heerka koowaad, waxaana ay ka heshay 20 guul iyadoo shabaqeeda ka ilaashatay 14 kulan.
>- Arsenal ayaa kulamo isxiga oo horyaalka Premier League ah shabaqeeda gool ka ilaashatay markii labaad xilli ciyaareedkan.
>- Aaron Ramsey oo ka tirsan Arsenal ayaa xirfaddiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Cardiff City, isagoo u dhaliyey hal gool 16 kulan oo uu ka soo muuqday Championship-ka xilli ciyaareedkii 2007-08 ka hor inta uusan ku soo biirin Gunners, waxaana uu dib ugu laabtay Cardiff heshiis amaah ah xilli ciyaareedkii 2010-11, isagoo u dhaliyey hal gool lix kulan oo uu u ciyaaray kulamada horyaalka.
>- The Bluebirds kooxda lagu naanayso ayaa kaliga saddex goor guuleysatay 30-kii kulan ee horyaalka Premier League ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, guusha kaliya oo ay bannaanka ku soo gaareen xilli ciyaareedkan waxa uu ahaa kulankii Leicester City ee bishii hore.
>- Cardiff ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso 11 ka mid ah 23-kii kulan ee ay ciyaartay horyaalka xilli ciyaareedkan waxaana ay rikoorkaas kula biirtay Huddersfield.
>- Waxa ay Cardiff barbareyn kartaa caawa rikoorkeeda Premier League ee inaysan gool dhalin afar kulan oo xiriir ah laga soo bilaabo bishii Ferbaayo illaa Maarso ee sanadkii 2014-kii.
>- Cardiff waa kooxda kaliya oo weli aan laka nastay iyadoo ciyaarta hoggaaminaysa qeybta hore xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League.
Safafka ay ku soo gali karaan Arsenal vs Cardiff City:-
Gool FM.