(England) 31 Jan 2019. Newcastle United ayaa lacagihii ugu badnaa Taariikhda kooxda 20.5 milyan ku soo iibsatay xiddiga Atlanta United ee Miguel Almiron.
Laacibka qadka dhexe weerarka ee reer Paraguay ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano iyo bar ah iasgoona usbuucii mushaar ahaan u qaadan doona 60,000 oo bound.
Almiron ayaa jabiyay Rikoodh kooxda u yiilay 13-sano kolkaa ay Newcastle United 16-milyan ku soo iibsadeen weeraryahanka reer England ee Michael Owen 2005-tii.
Wuxuu kooxdiisa Cusub u xiran doonaa Lambarka 24-aad.
SAWIRRO:
Gool FM.