Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

DEG DEG: Barcelona oo gacanta ku soo dhigtay Emerson

$
0
0

(Spain) 31 Jan 2019. Naadiga Barcelona ayaa la soo wareegtay xiddiga reer Brazil ee kooxdax Atlético Mineiro Emerson.

Atletico iyo Barca ayaa ku heshiiyay in Emerson uu soo cago dhigan doono gegada Nou Camp 1-da July 2019.

Xiddiga ka duula garabka midig ee daafaca ayaa 12 milyan ugu soo biiraya Camaaliqada Spain isagoona saxiixi doona 5-sano.

Emerson waxaa lagu sheegaa Dani Alves -ka cusub maadaama uu garabkiisa ka qabto labo howl mid daafac iyo mid weerarba.

Emerson Aparecida Leite de Souza Junior waa 20-jir ku dhashay magaalada  Sao Paulo, wuxuuna iminka qeyb ka yahay tartanka  South American U20 Championship ee ka dhacaya dalka Chile.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles