(England) 07 Feb 2019. Tababare Arsene Wenger ayaa bil gudahood ku soo laaban doona Kubbada cagta kaddib markii ay soo gaareen afar dalab oo waa wayn.
69-jirka reer France ayaa ka soo tagay Arsenal xagaagii tagay kaddib 22-sano oo xilka u hayay wuxuuna iminka qarka u saaran yahay inuu ku soo laabto ciyaaraha.
Warsidaha The Times ayaa sheegaya in Wenger uu aad u tabay una xiisaya ku lug laahaanshaha ciyaaraha isla markaana uu iminka qarka u saaran yahay inuu soo laabto, waxaana hor yaala afar dalab uu kala dooranayo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in PSG ay u soo bandhigtay xilka Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, wuxuu xiriir dhow la leeyahay Milkiilayaasha reer Qatar ee kooxda reer France maadaama uu ka shaqeeyo TV-gooda.
Arsene Wenger ayaa waxaa sidoo kale miiska u saaran saddex dalab oo kale, Xul Qaran iyo labo koox oo waa wayn oo ka dhisan Yurub.
Macalinka saddexda jeer ku guuleystay Premier League oo weli ku nool magaalada London ayaa meesha ka saaray inuu qaban doono xilka koox ka dhisan Ingiriiska.
Wuxuu aaminsan yahay inay xushmad darro ku noqoneyso Arsenal oo uu ku soo qaatay in ka badan Labaatan sano.
Gool FM.