(England) 07 Feb 2019. Manchester City ayaa markii ugu horreysay sanadkan cusub qabatay hogaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay 2-0 xalay uga adkaatay Everton.
City iyo Liverpool ayaa qoorta iskula jira oo kooxda Guardiola ayaa hogaanka ku heysa farqiga goolasha oo qura oo dhanka dhibcaha way ka siman yihiin.
Khubarada ciyaaraha ee ka howl gala warsidaha Caanka ah ee The Sun ayaa doortay cidda ku guuleysanaysa Premier League kal ciyaareedkan.
10-Khabiir oo fikirkooda dhiibtay ayaa Sagaal ka mid ah waxay isku raaceen in Man City ay sanadkaan labeysan doonto horyaalka Ingiriiska.
DAVE KIDD – Manchester City
MARTIN BLACKBURN – Manchester City
MARK IRWIN – Liverpool
NEIL CUSTIS – Manchester City
MIKE McGRATH – Manchester City
DAVID COVERDALE – Manchester City
TOM BARCLAY – Manchester City
DAVID FACEY – Manchester City
CHARLIE WYETT – Manchester City
PAUL JIGGINS – Manchester City
Natiijada Saadaasha Khubarada Ciyaaraha ee The Sun ayaa ku soo idlaatay:
LIVERPOOL – 1
MAN CITY – 9
Gool FM.