(Europe) 18 Feb 2019. Anthony Martial iyo Jesse Lingard ayaa garoomada ku soo laaban kara kulanka axada ay Manchester United ku wajaheyso Liverpool.
Labada xiddig ayaa dhaawacyo uga baxay ciyaartii Champions League ay United guul darrada 2-0 kula kulantay PSG.
Tababaraha ku meel gaarka ee Red Devils Gunnar Solskjaer ayaa markii hore saadaaliyay in Martial iyo Lingard ay garoomada ka maqnaan doonaan labo ilaa saddex usbuuc.
Balse, warsidaha afka dheer ee The Mirror ayaa iminka warinaya in labada laacib ay garoomada ku soo laaban karaan kulanka axada ee Liverpool.
Weeraryahanka reer France ayaa garoonka laga saaray qeybta hore ee ciyaartii PSG kaddib markii uu gaaray dhaawac gumaarka ah.
Halka laacibka reer England uu isna qeybta labaad garoonka uga baxay dhaawac muruqa ah.
Gool FM.